7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Maraykanka oo bogaadiyay heshiiska ay gaadheen daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa bogaadisay heshiiskii laga gaadhay khilaafkii doorashooyinka Somaliland, sidookale waxay ku baaqday in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane Dixon oo booqasho maanta ku tagey magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda Somaliland, mucaaridka, iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayaa bogaadiyay heshiiska laga gaadhay khilaafka doorashooyinka.

"Maraykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed, ee ag kasoo shaqeeyeen odayaasha dhaqanku, kaasi oo ah talaabo togan oo loo qaaday xaga doorashooyin xor ah oo xalaala" ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay safaarada Maraykanku.

Sidookale, waxa lagu sheegay in ku simaha safiirku uu madaxda Somaliland ku booriyay in arrinta Laascaanood lagu dhameeyo jid nabad ah iyo wadahadal.

Hishiis buuxa ayaa dhawaan laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed oo soo taxnaa mudada sannadaha ah, kaasi oo sababay in ay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada Somaliland.

Xubno kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Somaliland ayaana hada ka shaqaynaya sidii xeer looga samayn lahaa qodobadii heshiiska dhaliyay ee ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanku.