7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Maxay QM ka sheegtay xatooyada lagu sameeyo mucaawimada loogu talo galay barakacayaasha Soomaaliya?

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Warbixin baaris ah oo ay dhawaan Qaramada Midoobay ka diyaarisay 55 xeryood oo barakacayaal ah oo kuyaala Soomaaliya, ayaa lagu ogaaday in xatooyo ba’an loo geysto gargaarka loogu talo galay dadka nugul.

Warbixintan waxay sheegaysaa in maamulka maxalliga ah, shaqaalaha samafalka iyo ciidamada ammaanka, inay yihiin kuwa aadka ugu lugta leh musuq maasuqa lagu sameeyo lacagaha caddaanka ah iyo raashinka mucaawinada ah ee loogu talo galay dadka ku jira xeryaha barakacayaasha.

Waxay sheegaysaa warbixintu in dadkani ay cabsi galin ku sameeyaan, mararka qaarkoodna ay xiraan kuwa diida inay bixiyaan qeyb kamid ah mucaawinada la siiyo.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa qeexaysa siyaabo kala duwan oo ay shaqsiyaadka awoodda leh u xadaan gargaarka ku saleysan lacagta caddaanka ah, oo ay ku jirto in ay kiro ka qaadaan barakacayaasha oo looga baahan yahay inay bixiyaan si ay u galaan liiska ka-faa'iideystayaasha lacagaha.

“Marka la qeybiyo raashiin mucaawino ah ayay xerooyinka yimaadaan iyaga oo wata ciidamada dowladda, sidoo kale xoogaa lacag ah ayeey siinayaan askarta, ciidamada waa ay baxaan, dadkii xerada lahaana way soo jeestaan si ay u qaataan raashinkii nala siiyay” ayay tiri haweeney 45 jir ah oo gurigeeda kala soo carartay 10 qof oo ay qaraabo yihiin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlayay baarista uu UN-ku sameeyay, ayaa sheegay in natiijooyinkooda ay muujinayaan in xatooyada gargaarka ee Soomaaliya uu yahay mid baahsan.

Iyadoo laga jawaabayo warbixintan, ayaa Midowga Yurub wuxuu go'aansaday inuu si ku-meel-gaar ah u joojiyo dhaqaalaha uu siiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida uu sheegay  sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub.