7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo digniin ka bixisay khatarta duufaanta ElNino oo ku dhufan karta meelo kamid ah dalka
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta dalka, iyadoo uga digtay khatarta duufaanta ElNino ee ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in saadaasha hawada ay muujinayso koror xooggan oo ah xaddiga roobka, kaasoo keeni kara khasaare nafba iyo moodba.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.

Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha saadaasha ay sheegeen in degaanada dhaca xeebaha ee Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin Roobab duufaano wata, oo geysan kara waxyeelo ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin.

Meelaha laga digay waxaa kamid ah, magaalooyinka Boosaaso, Berbera, Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee kuyaala xeebaha.

Inta badan dabayaaqada sanadka, Soomaaliya ayaa caan ku ah roobab dabeyla wata. Meelaha ugu badan ee roobabkaasi ay ka da’aan waxaa kamid ah Puntland iyo Somaliland, waxayna geystaan khasaare naf iyo maalba leh.