7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo digniin kasoo saaray in laga ganacsado sahayda gargaarka
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Hay’adda maaraynta musibooyinka, iyo wasaaradaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladda Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa si wadajir ah u soo saaray qoraal mamnuucaya ka ganacsiga gargaarka la keeno Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii baaris ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday in xatooyo ba’an loo geysto gargaarka bini’aadantinimo ee la keeno Soomaaliya, taasoo horseeday in Midowga Yurub uu si kumeel gaar ah u hakiyo taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay hay’adaha qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa lagu sheegay ciddii lagu helo sii iibinta gargaarka bini’aadanimo, in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono oo sharciga lala tiigsan doono.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka waxay qoraalkaan ku xustay in Dowladda federaalku aanay qeyb ka ahayn gargaar la sheegay in la lunsaday. waxayna ku boorisay cid walba oo ka shaqeysa arrimaha gargaarka inay ka fogaadaan leexsashada gargaarka.