7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State oo Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Wafdi balaaran oo uu hoggaminayo madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Madaxweyne Cali Jeyte iyo wafdigiisa ayaa ka ambabaxay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu mudooyinkii dambe uu madaxwehnaha u joogay howlaha dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Safarka Madaxweynaha Hiiraan state uu maanta ku tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya inuu la xariiro in halkaasi uu ugu yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wada inui la kulamo saacadaha soo socda madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali jeyte si ay uga wada hadlaan dhameystirka qaar ka mid ah heshiisyadii bilawgii bishaan kusoo dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Cali Jeyte magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb wafdi ay hoggaaminayeen guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu mudo ku dhaw laba bilood ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.