7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Raysal wasaare Xamse oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Qaramada Midoobay
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb galaya shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka.

Raysal wasaare Xamse ayaa madashada shirka uu ka socdo kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Kulanka labada masuul ayaa ahaa diiradda mid diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeexa dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale madasha uu shirka ka socdo kula kulmay raysal wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya Demeke Mekonnen Hassen oo ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka Golaha loo dhan yahay.

Labada masuul ayaa la sheegay in kulankooda ay kaga wada hadleen adkeenta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dariska ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha Soomaaliya Xmase Cabdi Barre ayaa lagu wada inuu kulamo kale uu la qaato madaxda ka qeyb galeysa meertada 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalkaasi Mareykanka.