7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Raysal wasaare Xamse oo dunida hordhigay dalabyo xasaasi ah
 

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamase Cabdi Barre oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu kaga qeybgalayo shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa wareysi gaar ah uu siiyay VOA-da kaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn sheegay in qorshaha safarkiisa Mareykanka ee ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobay uu yahay mid guul ku socda wax badana ay u qabsoomeen waxyaabo kala ay u dhiman yihiin.

Wuxuu xusay in xiligaan Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay Xukuumaddiisa ka codsaneyso dunida in loo dhiso ciidan badan oo tayo leh, islamarkaana amaanka guud ee dalka kala wareega ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

“Waxa aan dhisaynaa Ciidan oo tiro iyo tayo u baahan, dunida waxa aan ka codsaneynaa in Ciidanka naloola dhiso; si Ciidankaas uu u noqdo Ciidankii la wareegi lahaa amniga dalka kaddib marka ay baxaan Ciidama ATMIS” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu dunida u gudbiyay codsi ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran oo uu tilmaamay iney tahay mid Soomaaliya ku raagtay oo saaran tan iyo sanadkii 1992-kii.

“Waxaan rabnaa in nalaga qaado cunaqabateynta hubka ee muddada dheer na saarneed, oo 1992-dii la saaray, taasoo ah cunaqabateyntii ugu badneed ee dal la saaro, dunida ayaan ka codsaneyaa” ayuu yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Mar uu ka hadlaayay waxyaabaha uu kaga hadli doono Khudbadiisa Shirka Golaha loo dhan yahay oo lagu wado inuu jeediyo Raysal wasaare Xamse 23-ka bishaan ayuu sheegay inuu kaga hadli doono arrimo badan oo quseeya danaha Soomaaliya iyo dunida.

"Waxaan kaga hadli doona khudbadeyda in dunida aan tuso in Soomaaliya ay tahay dal wanaagsan oo ay maal gashtaan, maadama uu yahay dal ku wanaagsan dhankasta oo kheyraadkiisu yahay mid wanaagsan, waxaan sido kale kaga hadli doona dulmiga iyo gumeysiga lagu haayo dadka reer Falastiin, iyo dhibaatada isbadalka Cimilada oo aanan anaga Waxba noogu darsanen wax laga qabo, arrimaha dhaneystirka deyn cafinta iyo arrimo kale" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale Raysal wasaaraha tilmaamay in dadaalka arrimaha deyn cafinta uu yahay mid marayo heer wanaagsan oo gabagabo ah.

“Arrinta kale waa dayn cafinta oo aan si fiican uga soo shaqeynay ayaan Precess-keedii ku jirnaa waxaan rajeyneynaa bisha 12-aad ee sanadkan in dayn cafiskaas uu dhamaanaayo, Marka uu dhamaado dayn cafiska waxay Somalia xaq u yeelan doonaan inay Access u yeelan karto hay’adaha caalamiga ah iyo inay dayn qaadan karto” ayuu ku yiri  Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.