7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddoonka labada Aqal iyo Xildhibaano

Khamiis, September, 21, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay aqalka Madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo maanta gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoonada labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanada la socday ee labada Gole ugu horeyn la wadaagay guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka kooxda Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay in kooxda Al-shabaab ay ka ciribtirto guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in madaxweynaha uu mudo ku dhaw laba bilood ku sugan yahay magaaalada Dhuusamareeb oo uu u joogo dardar galinta dagaalka.

Guddoonada labada ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, iyagoo sheegay in waqtigiisa ugu badan uu geliyay madaxwehnaha sidii dalka looga xureyn lahaa Shabaab.

Labada guddoomiye ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa lagu wadaa in mudada ay joogaan Dhuusamareeb inay booqdaan deegaanada qaar ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si ay u dhiiragaliyaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Ururka Shabaab.