7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho
 

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye oo dhawaan Muqdisho u yimid howlo shaqo.

Wasiir Fiqi iyo hogaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo mudo ku dhaw hal sano ay ka socdeen dagaalo culus oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale ka mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay isaga iyo Wafdigiisa SSC khaatumo.

" Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda" ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Gabagabadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa u sheegay hogaamiyaha SSC Khaatumo in Wasaaraddiisa mar walba diyaar u tahay ka shaqeynta dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helidda barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh wasaaradda.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Muqdisho soo gaaray Jimcihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho kulamo kala duwan kula qaadaanayay maalmahii lasoo dhaafay madaxda dowladda Soomaaliya.