7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Howlgal lagu qabtay gaari Saanad u siday Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug, kaasoo kooxda Al-shabaab looga qabsaday gaari u siday Saanad.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gaariga Shabaab u siday Saanada laga soo qabtay meel 5 KM u jirta deegaanka Dabagalo, kadib howlgal dhabogal ah oo ay ciidanka sameeyeen, islamarkaana lagu qabtay darawalkii gaariga siday sanaada oo isku dayay inuu baxsado, sida lagu sheegay Warsaxafadeedka Wasaaradda.

“Tallaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay maanta shaacisay in 20 ka mid ah kooxda Al-shabaab ay ku dishay howlgal qorsheysnaa oo ka dhacay deegaanka Shabeelow ee Koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud ay waxaa ka socday bilahii lasoo dhaafay dagaalada ka dhan ah kooxda Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, kaasoo Al-shabaab looga saaray inta badan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.