7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo safar ku tagay Eritrea oo kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho shaqo ku tagay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Kulankoodii ugu horeeyay oo ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarinta gobolka ee danaha labada dal.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii loo dar dar gelin lahaa fulinta qodobadii ay ka wadahadleen iyo heshiisyadii ay ku gaareen shirarkii hore.

Dalka Ereteriya waxaa tababar gaar ah ku qaadanaya qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Warar aanu helnay waxay sheegayaaan in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo in si degdeg ah dalka loogu soo celiyo ciidamada Eritrea ku sugan, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Alshabaab.

Tiro kamid ah ciidamada Eritrea oo horey dalka loogusoo celiyay ayaa ku geeriyooday intii uu socday wajiga koowaad ee howgalka ka dhanka ah Alshabaab.