7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Hargaysa: Isku dhac dhexmaray booliiska iyo dadwayne cadhaysan
 

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliiska Somaliland iyo dadwayne ka cadhaysan dhul ay daganaayeen oo laga rarayo magaalada Hargaysa.

Isku dhaca booliiska iyo shicibka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhulka Laynka Booliiska ee badhtamaha suuqa Hargaysa ay xukuumadu ka iibisay ganacsato si saro dhaadheer looga dhiso.

Dad ka dagan goobtan oo ay xukuumadu leedahay, oo u badan qoysas booliis ah, ayaa diiday in ay ka guuraan, waxaana la sheegay in xukuumadu ay u qorshaysay in loo raro goob kale isla markaana la siiyo guryo iyo woxogaa lacag ah.

Hadaba, maalintii labaad oo xidhiidha ayay goobtan ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo amarka xukuumada, iyada oo wararku sheegayaan in xabsiga loo taxaabay saraakiil booliis ah oo kamid ah dadwaynaha goobta dagan oo amarka diiday.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa cambaareeyay amarka ay xukuumadu ku iibinayso dhulkan, oo ay dadkani in badan daganaayeen lakiin anay sharci ahaan u lahayn.

"Xaaraan ayay noqonaysaa haddii waxaas umadu wada leedahay ee xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ay idinka iibiso oo xoolihiina aad ku iibsataan, waa jiriimo weyn oo umadda aad ka gasheen,layskagama hadhi doono, waa wax layskaga daba iman doono" Xogahayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sida yidhi.

Sidookale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo midoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka, laakiin anay ahayn in xukuumadu ku mashquusho iibka dhulka.

Hadaba, goobtan ayaa la sheegay in ay taagantahay lacag qaaliya madaama oo ay ku taalo badhtanka suuqa, dadka qaar ayaana sheegaya in shacabkani ay rabaan in lacag lacagta hada loo qoondeeyay ka badan la siiyo.