7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsa Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay Xalay ka sameeyeen deegaanka Garilow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Garilow ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen laba xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen xubnaha howlgalka la dilay, isagoona xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada qorsheysan oo ay ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab oo haatan wajahaysa xaaladahii ugu adkaa, kadib markii looga adkaaday dagaalada isdaba jooga ah ee kaga imaanaya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.