7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Mucaaradka Puntland oo kusii qulqulaya Garowe iyagoo isku diyaarinaya doorasho
 

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kusii qulqulaya magaalada Garowe, xilli madaxweyne Deni uu muddo labo bilood ah ka maqan yahay Puntland.

Musharraxiinta oo shir isugu imaanaya maalinta berito ah, inkastoo culaysyo ay kala kulmayaan laamaha amniga, ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan isbahaysi siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay kursiga uga tuuraan madaxweyne Deni.

Waxay sheegeen madaxweyne Deni in aanu samayn karin wax ka duwan doorashadii baarlamaaniga ahayd ee hab qabaliga ah lagusoo xuli jiray xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaas.

Shakhsiyaadka aadka uga dhex muuqda mucaaradka, waxaa kamid ah wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, kaasoo maanta meel fagaare ah ka sheegay in madaxweyne Deni uu ku fashilmay doorashadii nidaamka axsaabta badan.

Xasan Shire Abgaal waxa uu sheegay in ay imaan doonto waqti aan madaxweyne Deni waxba laga weydiin doonin masiirka Puntland, haddii uusan inta waqtiga uga dhiman ku dhawaaqin doorashada

“Deniyoow xilkii kaa dhammaa ee soo deg, Puntland waxaad gelisey xaalad adag, Boosaaso waxa ka taagan waad aragtaa, Gaalkacayo waa laysku dilayaa, Garoowe amnigii waa diciifey... xataa ciidankii PL ee sharafta badnaa waa dayacmay,” ayuu yiri Abgaal.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay wax ka yar saddex bilood, ayaa ku adkaysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.