7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in howlgal ka dhacay Koonfurta Mudug lagu dilay 20 ka mid ah Al-shabaab

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga  dhacay deegaanka Shabeelow, islamarkaana lagu beegsaday xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku dhuumanayay howdka deegaankaas oo dhaca Koonfurta Mudug.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 20 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gawaari waday maleeshiyaad iyo saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

"Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo faahfaahsan:-