7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 9 , 2023
Kenya oo aqoonsatay horjoogayaal Shabaab ah oo abaabulay weeraro ka dhacay gobolka lamu
 

Isniin, October, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay aqoonsatay liiska horjooagayaal katirsan kooxda Alshabaab, kuwaas mas’uulka ka ahaa weeraro ka dhacay magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, Isagoo ka hadlayay kaniisadda St. Andrews ACK Nenderu, ee deegaanka Kiambaa, ayaa sheegay in horjoogayaasha la aqoonsaday ay xiriir la leeyihiin dilka muwaadiniin Kenyan ah oo aan waxba galabsan.

"Dowladdu waxay aqoonsatay horjoogayaasha iyo qorshayaasha gabood-fallada ka dhacay gobolka Lamu iyagoo adeegsanaya diinta inay dilaan oo ay dhaawacaan muwaadiniinta aan waxba galabsan," ayuu yiri Kithure Kindiki.

Kithure Kindiki ayaa xusay in liiska tuhmanayaasha la daabici doono todobaadkan gudihiisa, wuxuuna sheegay in lagu amray tuhmanayaasha inay isku soo dhiibaan saldhigyada booliiska ee ugu dhow.

“Toddobaadkan, waxaan daabici doonaa liiska tuhmanayaasha, waana inay iska dhiibaan saldhigga booliiska ee kuugu dhow. Dhammaan dambiilayaashaas waanu ku daba jirnaa, waananu ka takhalusi doonnaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Kenya ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu dhimayo weerarada Alshabaab, oo ay ka mid yihiin in la ogaado lana soo qabto dadka xogta, gaadiidka iyo saadka u siiya Al-Shabaab.