7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Puntland oo ugu baaqday labada aqal ee baarlamaanka in aysan qeyb ka noqon wax ka beddelka dastuurka

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlanaanka Soomaaliya, in aysan qayb ka noqon wax ka baddelka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay dano siyaasadeed ka leeyihiin wax ka beddelka dastuurka dalka.

Puntland waxay sheegtay in wax ka badel kasta oo lagu sameeyo dastuurka uu keeni kara khilaaf siyaasi ah.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Garowe.

Puntland waxay sheegtay, madaxda iyo hay'adaha Dowladda Federaalka in aysan awood u lahayn in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka dalka.

Warkan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa kusoo beegmay, iyadoo haatan uu khilaaf xooggan ka taagan wax ka beddel uu maamulka madaxweyne Deni ku sameeyay dastuurkii Puntland iyo xeerarkii doorashooyinka.

Sida uu Deni ugu eedeynayo dowladda federalka arrimaha la xiriira dastuurka, ayaa mucaaradka Puntland, waxay Deni ku eedeeyeen inuu danihiisa doorashada u beddelay qodobo kamid ah dastuurka.