7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Kulankii baarlamaanka Puntland oo kusoo dhamaaday buuq iyo gacan qaad dhexmaray xildhibaanada
 

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Kulankii baarlamaanka Puntland ay ku lahaayen magaalada Garowe, ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka.

Muuqaal lagasoo duubay hoolka baarlamaanka ayaa lagu arkayay xildhibaano caraysan oo isku fara baxsanaya, halka kuwo lalena  ay gacmaha iskula tageen, sida aan ku xogta ku helnay.

Buuqa ka dhashay baarlamaanka, ayaa waxaa sabab u ahaa, ka dib markii guddiga loo xilsaaray xeerkan ay soo jeediyeen, in dib loo dhigo meel marintiisa, iyadoo la eegayo xaaladaha amni ee ka jira magaalada Garowe, iyo in fursad la siiyo dedaalada guddiyada dhex dhexaadinta ee ku howlan in xal siyaasadeed la gaaro.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa si degdeg ah usoo xiray kulanka barlamaanka, isagoo guddi kale u magacaabay inay xeerka doorashada baarlamaanka ku hor keenaan 26-ka bishaan.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa inay saxaafadda la hadlaan xildhibaanada diidan xeerka doorashada in la meelmariyo, kuwaas oo laga yaabo inay guddoomiyaha dhaleeceeyaan.