7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Xisbiga Waddani oo ka qayliyey xeerka cusub ee doorashooyinka oo muddo bil ah dib loo dhigay ansixintiisa
 

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa ka biyo diiday muddo bil ah oo ay Golaha Guurtidu sheegeen in ay u baahanyihiin in ay kusoo akhriyaan xeerka doorashooyinka ee cusub kahor inta aan la ansixin.

Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, oo warbaahinta la hadlay, ayaa mudada golaha guurtidu qabsaday ku tilmaamay mid la doono in dib loogu dhigo meelmarintiisa.

"Bishani markay dhamaatana Golaha Guurtida fasaxoogii ayaa soogalaya, waxaad halka ka aragtaa in wali xeerkii uu ila meerayso ku jiro" ayuu yidhi Waabeeye.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha ay kula shaqeeyeen niyad sami isla markaana ay rabaan in uu dhamaado khilaafkii doorashada, lakiin uu madaxweynuhu wali rabo in uu doorashada dib u dhigo, isaga oo ugu baaqay in uu iscasilo.

"Muuse dee dalkan maleh, 5 sanno ayaa la doortay waliba dheeraad ayuu ku darsaday, waliba waxad mooda in jees jees ku jiro iyo ismaahin, walahi meel xun ayay tagaysa hadii dalka wanaaga, laga duwo waxaanu leenahay ha is casilo" ayuu yidhi Waabeeye.

Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay isku raacay in ay muddo bil ah xeerka haystaan kahor inta anay meelmarin, iyaga oo sheegay in ay soo akhrinayaan.