7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dbiibay ciidanka dowladda

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ee fadhigoodu yahay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirahmaan Hiiti Ibraahim, (Abuu Abdirahmaan) kaasoo ka mid ah horjoogayaasha kooxda u qaabilsana deegaanada Nuurdugle iyo Guulane ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Horjooge Cabdirahmaan ayaa sheegay xaalad  adag iney ka jirta gudaha cadowga taasoo ah Gumaad iyo Gumaysi ay isku hayaan iyaga dhexdooda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Horjoogahaan oo aanan la shaacin qeybta uu sida gaarka ah ugu qaabilsana kooxda ayaa tilmaamay inuu kooxda Al-shabaab ka tirsanaa mudo 7 sano ah.

Isa soo dhiibista horjoogahaan ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordhayeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidanka dowladda Soomaaliya.