7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Faahfaahin ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Garowe

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Xaaladda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa saakay ah mid ay  dadku dhegta u taagayaan, baarlamaanka oo laga sugayo inuu meel mariyo wax ka beddel lagu sameeyay xeerka doorashada.

Warar aanu helnay waxay sheegayaan, in kooxaha mucaaradka ay caddeeyeen, in aanay wax tallaabo ah qaadi doonin, iyagoo sheegay in ay ixtiraamayaan baaqyada nabadeed ee ay usoo jeediyeen bulshada.

Laakiin, weli ciidamada mucaaradka taabacsan ayaa ku sugan qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Garowe, iyagoo sharuud ku xiray in madaxweyne Deni uu ciidamadiisa ku xareeyo xeryahooda.

Dhinaca kale, kulan ay xalay isimada SSC- Khaatumo la qaateen madaxweyne Deni, waxaa kasoo baxay in madaxweynuhu xakameeyo ciidamada maamulkiisa, sidoo kalena inuu diyaar u noqdo inuu miiska wada hadalka  lasoo fariisto siyaasiyiinta mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaano katirsan baarlamaanka, kuwaas oo xalay la kulmay haween isugusoo baxay xarunta baalamaanka, ayaa waxay sheegeen in baarlamaanku soo saari doono go’aano aan horseedi doonin wax dhibaato ah.

Wixii soo kordha kula socda wararkeenna dambe.