7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ka shiray xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada
 

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada is barbar socda iyo ciribktirka kooxda Al-shabaab.

Shirka oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn Golahiisa Wasiiradda wuxuu warbixin ka siiyey safarkii uu maalin ka hor ku tagey degmada Doolow ee gobolka Gedo, isagoona Golaha la wadaagay saameynta adag oo ay dadku ku yeesheen daadadka ku dhuftay gobolkaas.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradda ay warbixin la xariirta saameynta daadadka iyo Fatahaada ka dhageysteen Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo sheegtay in ku dhawaad laba Milyan oo qof ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka ka da’aya dalka iyo fatahaada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 96 ruux.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku" ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirrada.

Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulanka looga dhageystay warbixino la xariira howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee wali ka socda inta badan ee gobolada dalka.