7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
SSC Khaatumo oo soo bandhigtay maxaabiis ay Somaliland ka qabatay

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - SSC Khaatumo ayaa soo bandhigtay maxaabiis 7 ah oo ay kusoo qabatay dagaalkii shalay gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland.

Maxaabiistan oo ay qaarkood dhaawac ahaayeen ayaa warbaahinta uga warbixiyay sidii loola dhaqmay kadib markii dagaalka lagu soo qabtay.

"Markii la isoo qabtay waxa la ii keenay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cuqaal badan oo uu ku jiro, si wanaagsan ayaaa la iila dhaqmay" Dable Farxaan Yaasiin Cismaan, oo ka tirsana Guutada Birjeex ee ciidanka Somaliland, oo kamid ahaa 7 askari ee lasoo qabtay, ayaa sida yidhi.

"Dagaalkii saaka ka dhacay Buqdharkayn iyo Yayle dhexdiisa ayaa laygu soo qabtay, xataa hadal kulul ma arag" Axmed Cabdi Aadan oo ka tirsana isla Guutada Birjeex ayaa sida yidhi.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Somaliland ugu baaqay in ay nabadqaadato ama ay dagaal qaadato, isaga oo sheegay in ay dhankooda nabad diyaar u yihiin.