7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2023
Baarlamaanka Puntland oo isku khilaafay meel marinta xeerka doorashooyinka oo xiisaddu ka taagan tahay

Khamiis, November, 23, 2023 (HOL) - Baarlamaanka Puntland ayaa isku khilaafsan meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka Puntalnd, ee uu dhawaan baarlamaanka usoo gudbiyay guddiga doorashada ee PEC.

Tiro xildhibaano ah oo loo saaray inay kasoo talo bixiyaan xeerkaan, ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay talo-soo jeedin ku aaddanayd in dib loo dhigo xeerkan, oo ay sheegeen in meel marintiisa ay ka dhalan karo xiisado colaadeed.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay waxay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo dabada ka riixayo in xeerkaan uu baarlamaanka meel mariyo, uu ku gacan seyray talo soo jeedinta ka timid guddiga.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in guddoomiyuhu kala diray guddigan, isagoo lagu wado inuu usoo magacaabo guddi kale oo xeerkaan ka shaqeeya meel marintiisa.

Guddiga laga wareejiyay xeerkan, ayaa xalay la kulmay bulshada, waxayna u sheegeen in uusan baarlamaanku qaadi doonin tallaabo kaste oo keeni karta xasilooni darro amni.

Dhinaca kale, guddiyada isku xilsaaray xal ka gaarista khilaafka doorashada, ayaa la kulansan siyaasiinta mucaaradka, iyagoo ka shaqeynaya inay iskusoo dhoweeyeen dhinacyada, si loo wada hadlo.

Xubnahan waxay hadda ku guulaysteen inuu hirgalo baaqoodii nabadeed oo ahaa in la xakameeyo ciidamada, xabbadna aysan dhicin.