7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Salaadiinta Somaliland oo sheegay in ay ka howlgalayaan xalinta arrinta jabhada buurta Gacan-libaax
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in shirar is daba jooga oo ay yeesheen kadib ay go'aansadeen in ay hab dhaqan ah ku xaliyaan cabashada dhallinyarada buurta Gacan-libaax hubka la gashay.

Waxay ugu baaqeen kooxda hubka qaadatay in anay wax dhaqdhaqaaqa samayn inta ay u tagayaan, isla markaana xukuumada ayay ugu baaqeen in ay dib usoo celiso ciidanka ay buurta gaysay.

"Dhallinyarada hubka qaadatay waxaanu leenahay wax dhaqdhaqaaqa ha samaynina salaadiintiinii ayaanunahay, xukuumadana waxaanu leenahay soo celiya ciidankaa aad halka gayseen" Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa sida yidhi.

Waxa ay sheegeen in ay dhawaanahanba ka tashanayeen sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen daminta colaadaha iyo amnidarada, isla markaana ay go'aan ku gaadheen in ay u tagaan dhallinyarada buurta hubka la gashay oo ay soo qanciyaan.

Waxa ay sheegeen in ay ka koobanyihiin dhamaan salaadiintii waa waynayd ee Somaliland, isla markaana ay hada sugayaan salaadiin ka imanaysa Borama iyo Burco, waxayn bulshada iyo warbaahinta ka codsadeen in anay buun buunin colaada oo ay nabada dhiirigaliyaan.

Jabhadan ayaa xaalad amaan daro ka abuurtay deegaanada ku wareegsan buurta, iyo buurta oo ahayd goob loo dalxiis tago, isla markaana dagaal uu ugu yaraan hal askari ku dhintay ayaa shalay dhexmaray ciidamada RRU-da.