7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Taliyayaasha ciidamada ATMIS oo ka shiray isku diyaarinta wejiga labaad ee bixitaanka 3000 askari
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa soo gabagabeeyay shir u socday muddo afar maalmood ah, oo lagu qiimeynayay wajigii koowaad ee ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya, kaasi oo si habsami leh u hirgalay bishii June ee sanadkan.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyeyaasha ciidamada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Waxaana shir guddoominayay taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gene. Sam Okiding.

"Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee ammaanka iyo khataraha Al-Shabaab, waxaana ka soo saarnay go'aanno ay fulinayaan taliyeyaasha qaybaha," ayuu yiri Lt. Gene. Okiding.

Taliyaha howlgalka ATMIS ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka saareen 2000 oo askari dhamaadkii bishii June, isagoo sheegay inay Dowladda ku wareejiyeen lix saldhig, iyadoo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay wejiga labaad ee bixitaanka saddex kun oo askari oo katirsan ATMIS, kaasoo la filayo in la soo gabagabeeyo dhammaadka Sebtembar.

Taliye ku-xigeenka ciidanka ATMIS ee u qaabilsan hawlgallada iyo qorshayaasha, Maj. Gene. Marius Ngendabanka, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qiimeyn ku saabsan saameynta amni ee wejiga koowaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS.

"Waa inaan qiimeyn ku sameynaa wajiga koowaad ee dhimista, saameynta ay ku yeelan karto amniga, bini'aadantinimada, xaaladda siyaasadda iyo dhinacyada kale, caqabadaha lala kulmay oo aan falanqeyno sida aan si hufan ugu fulin karno wejiga labaad ee dhimista ATMIS," ayuu yiri.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si loo qorsheeyo muhiimadaha amniga ee howlgalka si loo fuliyo Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, kaasoo bixinaya khariidad ku saabsan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.