7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka oo Maanta ansixiyay Miisaaniyada dowladda 2023-ka

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaaka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay dib u eegista Miisaaniyada dowladda 2023 oo mudanayaasha ay si weyn uga soo doodeen fadhigoodii ugu dambeeyay.

Kulanka Xildhibaanada labada Aqal oo uu shir guddoomiyay guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka labada Aqal iyo ku xigeenka guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senatar Ibrahim Aw Gaab oo kulanka ka wada hadlay ayaa Xildhibaanada labada Aqal warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay Miisaaniyadda 2023-ka, waxayna Xildhibannada ka codsadeen iney ansixiyaan maadaama uu guddigu qiimeyn ku sameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan madoobe ayaa Xildhibaannada labada aqal u soo jeediyay iney ansixiyaan Miisaaniyada oo la soo mariyay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo sadexaad, waxaana si gacan taag ah ugu codeysay 169 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal, waxaa diiday 1 Mudane waxaana ka aamusay 2 Xildhibaan, iyadoo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in sidaasi ay ansax ku tahay Misaaniyadda dowladda 2023-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cige ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya sida aqlabiyadda leh ay u ansixiyeen Miisaaniyadda, wuxuuna sheegay in dadaal dheer lagu bixin doono kobcinta iyo kor u qaadida dhaqalaha dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Xukuumadda u sheegay in Miisaaniyadda iyo xisaab xirka waqtiga loogu talagay Golaha la hor keeno si Xildhibaanada ugu helaan waqti ku filan islamarkaana ay u mariyaan habraacyadooda.