7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Maxkamadda ciidamada oo go'aan ka gaartay kiis dil ah oo ka dhashay isku qabsiga gabar Tiktokarad ah

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah go’aan kasoo saartay kiis dil ah oo ka dhashay isku qabsiga gabadh caan ka ah Tiktok-ga

Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Maxamed Abuukar Dayax oo ahaa askari katirsan ciidanka hay'adda NISA, kaasoo lagu helay inuu dil u geystay marxuum magaciisu yahay Maxamed Saciid Cabdi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxamed Cali Cismaan iyo Sharmaarke Xuseen Jimcaale oo katirsan hay’adda nabad sugidda ee NISA, kuwaasoo kiiskan ku lug lahaa ku kala xukuntay hal illaa shan sano oo xabsi ah.

Maxamed Cali Cismaan ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah, halka Sharmaraarke Xuseen lagu riday hal sano.

Kiiskan ayaa salka ku hayay muran kasoo bilowday gabar TikTokorad ah oo ay isku qabsadeen eedeysanaha lagu magacaabo Sharmaarke Xuseen iy0 nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Faarax oo ahaa Tiktokar.

Sharmaarke iyo Maxamed oo uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah ayaa waxaa soo dhexgalay Saciid Cabdi Cali, oo doonayay inuu kala qabto, balse Maxamed Abuukar Dayax, ayaa xabbad madaxa uga dhuftay.

Falkaan ayaa ka dhacay xarunta lagu caweeyo ee Boosh oo kutaala degmada Hodan, sida ay sheegeen hay'adaha amniga.