7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay 8 urur siyaasadeed oo xisbiyo noqday
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay magacyada siddeed urur siyaasadeed, kuwaas oo si rasmi ah loogu aqoonsaday inay yihiin xisbiyo siyaasadeed.

Tallaabadan uu qaaday guddiga doorashada, ayaa daba socotay isbeddel lagu sameeyay qodobo kamid ah dastuurka Puntland, si loo ballaariyo tirada xisbiyada, oo awal hore uu dastuurku qorayay saddex xisbi kaliya.

Guddiga doorashada ayaa sheegay inuu ansixiyay xisbiyadan, uuna dhawaan siindoono shahaadooyin aqoonsi ah.

Qaar kamid ah ururada loo aqoonsaday xibsiyo ayaanan gelin wax doorasho ah. Qaarkoodna waxay ba kasoo horjeedaan oo ay diideen inay ka qeyb galaan doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashada ayaa ugu talo galay inay xisbiyadan ka qeyb qaataan tartamada doorashooyinka harsan ee golayaasha degaanka, kuwa baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Walow siyaasiyiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen qorshahaan, iyagoo sheegay in madaxweyne Deni uu doonayo inuu xisbiyo fariisiyo, kaddibna ay u sameeyaan muddo kororsi labo sano ah.