7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay xoojinta iskaashiga dhanka amniga ah
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe shalay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan lagu xoojinayay wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ku nuux nuuxsaday in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siineyso amniga caasimadda Muqdisho. Waxa uu sheegay in kulanka ka dhacay degmada Heliwaa uu daliil u yahay kor u qaadista wacyiga iyo wada shaqeynta bulshada oo muddo dheer caqabad ku aheyd in la gaaro.

Degmada Heliwaa oo ku taalla Koonfur Bari ee Gobolka Banaadir ayaa muddo dheer waxaa soo food saartay amni darro tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, waxaana degmadaas lagu tilmaamaa meelaha ay weli ku xooggan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay saameynta wanaagsan ee wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo shacabka Muqdisho ay ku leedahay amniga magaalada.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano, iyo Wakiilo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo gacan saar la leh Hay’adaha ammaanka, si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya xaafadaha degmada.

Tan iyo bishii Ogoosto, ciidamada dowladda waxa ay wadeen horumarro la taaban karo oo ka dhan ah Alshabaab, iyagoo billaabay olole ballaaran oo ay hormuud ka tahay dowladda oo lagu xoreeyay in ka badan 70 degaan oo gacanta ugu jiray Alshabaab.