7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Isgoyska Beexaani ee magaalada Muqdisho
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Isgoyska Beexaani ee degmada shibis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari noociisu yahay Surf oo ku qarxay Isgoyska Beexaani, islamarkaana halkaas ku basbeelay.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan lagu xiray gaariga, waxaana la tilmaamay marka uu gaariga qarxaayay inuu ku jiray baakin, islamarkaana uu ka maqna ninka iska lahaa gaariga qarxay.

Ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu gaariga ku qarxay ayaa halkaasi baaritaano kooban ka sameeyay, hayeshee lama sheegin cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan qaraxaan iyo cida wadatay gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Xaaladda Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis ayaa haatan ah mid dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaqdhaqaaqii isku socodka wadada iyo ganacsiga, maadaama uu qaraxa dhacay xili aroor ah.