7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 31, 2023
Xisbiga Waddani oo ka hadlay jabhada dagtay buurta Gacan-libaax
 

Isniin, Luulyo, 31, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani  ayaa ku baaqay in si nabad ah loo xaliyo cabashada jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax oo shalay dagaal dhexmaray ciidanka RRU-da.

"Waxaanu aad iyo aad uga xunahay dagaalka shalay ka dhacay tuulada Dar-maraa ee aaga Gacan-libaax, waanu cambaaraynaynaa, waxaana aanu ku baaqaynaa in nabad lagu dhameeyo" Xogeeyaha Guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi ayaa sidaa yidhi.

Waxa uu sheegay in hadii nabad la waayo ay noloshu burburi doonto, sidaa darteedna waxa uu bulshada ugu baaqay in ay ilaashadaan nabada iyo wadajirkooda, waxaanu sheegay in masuliyada ilaalinta nabadu ay saarantahay xukuumada.

Waxa uu ku baaqay in umada cadaalad lagu dhaqo, doorashooyinka la qabto, isla markaana ay xukuumadu ka fogaato taloxumooyin uu sheegay in ay sababtay dagaalka dhacay iyo dagaaladii hore ee Laascaanood.

"Waxaanu diyaar u nahay kaalin kasta oo aanu nabada ka gaysan karno in aanu gaysano, waxaanu xukuumada ugu haqaynaa in ay xikmad iyo caqli ku darto mushkilad kasta oo timaada" ayuu yidhi Khadar.

Ugu danbayn, waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay shalay la kulmeen shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ay ka wada shaqaynayaan dib usoo celinta nabada.