7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2022
Guddiga Doorashooyinka FIET oo ku dhawaaqay liiska xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno laga reebay

 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo wali ay dhimanyihiin qaar ka mid ah kuraasta barlamaanka.

Natiijyada ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka ayay isla markiiba ka soo baxeen diidmo ka timid madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo baxay Koonfur Galbeed, kadib markii liiska laga reebay kuraas doorashadoodu horey dacwado looga keenay oo uu ka midyahay kursigii uu ku fadhiyey gudoomihii hore ee barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.  Waxaa sidoo kale liiska la shaaciyey aan lagu soo darin kursigii HOP086 ee uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo doorasho muran badan dhalisay hanaanka loo maray uu ku soo baxay Fahad Yaasiin.

Xafiiska ra’isulwasaaraha ayaa soo dhaweeyay liiska ay soo saareen guddiga doorashooyinka, isagoo ku adkeeyay hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada oo ku beegan 14 April 2022. 

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.”

Waxaa durbadiiba soo ifbaxaya qilaaf u dhaxeeya Xafiiska ra'isulwsaaraha iyo Madaxtooyada oo ku aadan liiska ay soo saareen Guddiga doorashooyinka FIET, midan oo laga cabsi qabo inay dib u dhac kale ku keento dhameystirka doorashada oo ay ka harsanyihiin doorashada 26 xildhibaan oo ay ku jiraan 16 kursi oo degaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo oo aan wali doorashadoodu bilaabanin.

Kooramka xubnaha barlamaanka ku qabsoomi karo doorashada gudoonka barlamaanka iyo mida madaxweynaha oo ah saddex-meelood laba meel (2/3) ayaa soo dhameystirmay, waxaana ilaa iyo hadda la doortay 249 mudane oo ka mida 275-ka xildhibaan ee uu ka koobanyahay Golaha Shacabka.

Beesha caalamka ayaa dhankooda aad ugu celceliyey in la soo gebogabeeyo doorashooyinka waqtiga dheer jiitamayey, lamana oga in jawdalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka uu hirgali doono in kale. 

Hiiraan Online news desk