7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Al-shabaab oo dab qabadsiiyay guryo ku yaala deegaanka Cadalle ee gobolka Mudug
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadalle oo dhaca Koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi guryo badan ay ku gubeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalamayaal ka trsan  Al-shabaab oo deegaankaasi saacado kooban gacanta ku haayay ay dab qabad siiyeen guryo ku yaalay deegaanka Cadalle oo ka tirsan gobolka Mudug, kadibna ay isaga baxeen deegaanka.

Masuul ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay ciidamada maamulka Galmudug ay gaareen deegaanka Shabaab guryaha ka gubeen, islamarkaana ay ku raad joogaan ciidamadii shabaab ee dabka qabadsiiyay inta badan guryahii ku yaalay deegaan Cadalle.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaankaasi dabka qabadsiiyay ayaa sidoo kale la sheegay iney halkaasi ka wateen shan ruux oo dadka deegaankaasi ahaa kuwaas oo aanan la ogeyn halka ay geeyeen iyo sababta ka dambeysa iney wataan dadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee ciidamo Macwiisley ah oo la shaqeeya Ciidanka maamlka Galmudug ayaa waaberigii hore ee saakay tegay deegaanka Cadalle, waxaana deegaanka ay sameeyeen howlgalo lagu xaqiijinayey ammaanka deegaanka, kadib markii ay halkaas isaga baxeen xubnahii ka tirsana Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online