7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
ONLF " Ma oggolaanayno in nala yiraahdo Shacabkiina dantiisa anagaa haynayna oo maamulayna ee idinku adeegayaal un ahaada"

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka ONLF Daahir Maxamed Cali oo ka hadlayay kulan uu ururku kulahaa magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ka baxday heshiisyadii ay hadda ka hor wada galeen Itoobiya iyo ONLF.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in qodobo ay kamid yihiin dib u dejin loo samayn lahaa ciidankii iyo xubnihii ururka, aysan waxba ka hirgalin oo ay maanta dayacan yihiin, sidoo kalena xafiisyadii uu ururku kulahaa inta badan dowlad degaanka Soomaalida qaarkood la xiray, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiye ku xigeenku inaysan marna oggolaanayn in masiirka shacabka iyo danta shacabka cid kale looga daba fashiyo, isagoo yiri " Ma oggolaanayno in nala yiraahdo Shacabkaaga dantiisa anagaa haynayna oo maamulaynee idinku adeegayaal ahaada oo nadaba taagnaada, walaahi inaanan aqbalayn"

Ururka ONLF ayaa waxa uu kamid yahay xisbiyada mucaaradka ah ee degaanka Soomaalida ka jira kuwooda u waawayn, waxayna imbadan ku eedeeyaan dowladda Itoobiya inay ka baxday waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyaga iyo dowladda Itoobiya, halka dowlad degaanka Soomaalidana ku eedeeyaan inuu kala qaybinayo ururka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]