7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Wasiir Beyle: Dib u dhaca doorashada madaxtinimada Soomaaliya waxay caqabad weyn ku tahay dalka
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in dib u dhaca ku yimid doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay caqabad weyn ku tahay dalka.

Wasiir Beyle oo wareysi siiyay wargeyska The Africa Report ayaa sheegay Soomaaliya inay gaari karto isku filnaansho, laakiin ay hortaagan yihiin siyaasad aan degganayn iyo khataro amni oo joogto ah.

Beyle, wuxuu sheegay caqabadaha ka dhashay dib u dhaca doorashada inay yihiin in dhaqaalaha lagu taageeri jiray Soomaaliya uu hakad ku jiro.

“Soomaaliya waxay leedahay arrimaheeda iyo dhibaatooyinkeeda. Dabcan, waa waddan jilicsan, wax walbana way dhici karaan. Laakiin waxaan qabaa, inaan dhammaanteen isku raacsannahay in doorashadu gabagabo tahay. Xaqiiqda ah in doorashada baarlamaanka ay “96% dhammaatay” waxay la macno tahay in wejigii koowaad ee doorashada madaxweynaha uu soo dhawaaday,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ayaa dhowaan sheegtay, in taageerada maaliyaddeed ee uu bankiga adduunku siiyo Soomaaliya iyo dayn cafinta ay ku joogsan karaan saddex bilood gudahood haddii ay timaado dib u dhac cusub oo ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya oo ay hadda gabagabo marayso dhameystirka kuraasta xildhibaannada aqalka hoose, weli lama oga goorta la qabanayo doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online