7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Somaliland: Wasiir iska casilay xilkii wasiirnimo si uu urrur siyaasadeed u furto
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu xukuumadda ka hayay, si uu u furto urrur siyaasadeed.

Sida ay ku warrantay wakaalada warrarka ee SOLNA, wasiir Ataash ayaa waraaqaha is casilaadisa u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha ayaana ka aqbalay, Ataash ayay wakaaladu sheegtay in uu Khaamiista maanta ah uu urrur siyaasadeed la magacbaxay Waabari kaga dhawaaqi doono magaalada Hargaysa.

Somaliland marka laga yimaado doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13, November waxaa sidookale xukuumada Somaliland ku dhawaaqday in ay qabanayso doorashadii tartanka urrurada siyaasada, madaama oo ay gaadhay wakhtigii 10 sanno oo kasta la furayay urrurada siyaasada.

Tan ayaa macnaheedu tahay in kadib doorashada urrurada ay soo bixi doonaan 3 xisbi oo cusub, amaba ay dhici karto in ay soo noqdaan xisbiyadii hore ama qaar kamid ahi soo noqdaan qaarna xisbiyo kale badalaan.

Hadaba waxaa jira dad sidookale, ka tagay xisbiyada mucaaradka Somaliland ee hada oo ay ka tirsanaayeen si ay u furtaan urruro, oo hadii nasiibku la jiro ay u noqdaan madax xisbi, inkasta oo wali xukuumada iyo mucaaradku anay ku heshiin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada urrurada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online