7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Xurunta Ciidanka Booliiska Ilaaladda Xeebaha Soomaaliya oo xarigga laga jaray


Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, taasoo laga hirgeliyey gudaha Dekedda magaalada Muqdisho.

Xaruntan cusub ayaa ah mid muhiim u ah Ciidanka Booliska iyo ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, waxaana la tilmaamay iney qayb ka tahay dadaallada lagu tayaynayo Ciidanka Booliska, islamarkaana ay ku xaqiijinayaan nabad gelyada xeebaha dalka. Waxaana dhismaha xaruntan cusub gacan ka gaystay Midowga Yurub.

Munaasabadda xariga looga jarayay xaruntan cusub waxaa ka qayb galay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan, iyo ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Danjiraha Midowga Yurub, iyo Masuuliyiin kale.

Dhismaha Mashruucan ayaa la sheegay iney ku baxaydey lacag dhan 3 milyan oo dollar, waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan mashaariicda (UNOPS) iyo xafiiska u qaabilsan la dagaalanka dambiyada iyo daroogada (UNODC).

Waxay noqoneysa xaruntan saldhig howl-gal oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka hawlgali karaan agagaarka Dekedda Muqdisho iyo xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale iney gacan ka geystaan horumarinta awoodda ciidamada ilaalada badda.

Xaruntu waxay ka kooban tahay dhisme goglan oo leh qalabka teknooloojiyada, goob lagu hayo, diyaarad sabbaynaysa, gacan doomeed, iyo qayb hoy ah. Sidoo kale, xaruntan waxaa lagu qalabeeyay qalab isgaarsiineed oo dhanka badda ah si ay ugu suurtagasho diyaar garow shaqo, waxaana 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada badda la siiyay tababbaro iyo aqoon isweydaarsiyo ku saabsan ilaalinta sharciga badda, injineernimada badda iyo isgaarsiinta badda.

“Cutubka ilaalada badda ee ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay yeelan doontaa awood aad iyo aad waxtar u leh oo ay kaga hawl-gali karto iyo is-dhexgalka xeebaha iyo xeebaha Soomaaliya, si loo hubiyo in dambiyada badda la yareeyo, si wax ku ool ahna looga shaqeeyo arrintaas,” ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska UNOPS ee Soomaaliya, Tim Lardner, oo ka hadlayay xafladda xarig jarka.

Sidoo kale, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Afrika ee UNODC Neil J. Walsh, ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah iyo mid iskaashi ee ay xaruntan leedahay, taasoo ka qeyb qaadan doonta dadaallada lagu taageerayo dagaalka Soomaaliya ay kula jirto dambiyada abaabulan ee ka gudba badaha.

"Waxaan awoodnaa inaan ka caawino booliiska iyo baarayaasha inay booqdaan, raacaan, baaraan oo ay qabtaan si loo ilaaliyo amniga badda inta ugu badan ee suurtogalka ah. Haddii aan arrintaas si wadajir ah u fulino, ma jiro saaxiib  muhim ah oo aan ka ahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobey ee aan wada shaqeyno iyo guud ahaan Midowga Yurub, waxaan sameyn karnaa isbeddel dhab ah oo dhanka nolosha ah, isbeddel dhab ah ee awoodda ilaalada badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Mr. Walsh.

Dhismaha xaruntan cusub ee xariga laga jaray ayaa soo bilaawday sanadkii 2018-kii, waxaana xarig jarka xaruntaan ay kusoo beegmaya xili Xeebaha Soomaaliya ay mudooyinkii dambe ay ahayeen kuwa dayacan marka loo eego dhan walba, waxaana mararka qaar xeebaha Soomaaliya lagu arkaa haaman ay ka buuxaan sun kiimikeysan oo ay iska soo fogeeyaan dalal shisheeye, waxaana sidoo kale jirta in Xeebaha Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kaluumeystaan maraakiib shisheeye.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online