7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay goordhaw jadwalka doorashada laba kursi oo maalmahii dambe buuq ka taagna
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw shaaciyay jadwalka doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

Labada kursi ee jadwalkooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP 019 iyo HOP 059, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf xoogan oo la xariirta hab maamulka doorashadooda oo madaxda Hirshabeelle gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka uu doonayay in kuraasta loo xiro qoondo dumar, iyadoo Musharaxiinta kursaasta iyo beelaha iska leh kursigaana ay doonayeen in la furo doorashada kuraastan oo ugu dambey noqday kuwa tartankooda furan yahay.

Maalinta berito oo taariiqd tahay 01-04-2022, waxaa la diiwan galnaya Musharaxinta dooneysa iney u tartamaan labadaan kursi, iyadoo Maalinta Sabtiga ah oo taariiqdu tahay 02.04.2022 ay dhici doonto doorashada labadaan kursi oo si weyn indhaha loogu haayo.

Labadaan kursi ee jadwalkooda la soo saaray waxaa sanadahii dambe ku fadhiyay laba dumar ah oo kala ah Samiiro Xasan Cabdulle iyo Farxiyo Muumin, waxaana maalinta Sabtiga ah ku loolami doono kuraastaan Musharaxiin isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo berito isdiiwaan gelin doono.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online