7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2022
Wasiir Cabdifataax Qaasim: Aadan Sunne waxaan leeyahay mushkiladu meesha ay taalo kula dagaalan
 

Khamiis, Maarso, 31, 2022 (HOL) - Wasiir ku xigeenka gaashaan-dhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Sheekh Aadan Sunne oo dhawaan Alshabaab ku biiray usoo jeediyay in hadii uu gaalo la dagaalamayo uu Somaliland gudaheeda kula dagaalamo.

Wasiir Cabdifataax Qaasim waxa uu Aadan Sunne usoo jeediyay in uu gaalada uu sheegay in ay Somaliland joogaan uu Somaliland gudaheeda kula dagaalamo, waxaanu sheegay in anay suuragal ahayn in Aadan Sunne uu ka tago meeshii uu gaalada ku sheegay oo uu meel anay gaalo joogin dagaal ka bilaabo.

"Fariin ayaan farayaa ragaa iyaga ah ee uu Aadan Sunne ugu horeeyo oo daraad BBC laga waraysanayay, hadii u jeed kaagu uu yahay gaalo la dirir, cid kaayeelaysa malahan, meesha gaaladu joogtan kasoo tagayaa, oo meel anay gaalo joogin aan aadaa, oo koonfur ayaan soo aada, fikir kaas cid aad ku shubi karto male, Mushkilada meesha ay taalo haka soo tagine meeshaa kula dagaalan" ayuu yidhi wasiir Qaasim.

Wasiirka ayaa dhamaan saraakiisha Alshabaab ee aan Soomaaliya kasoo jeedin usoo jeediyay in ay waddamadooda kula dagaalamaan gaalada, ay sheegayaan in ay la dagaalamayaan, balse anay dagaalka Soomaaliya usoo waaridin.

"Kuwa kale ee waa wayna waxan leeyahay waar meeshaan gaalo ma joogto, meesha ay gaalada joogaan intaad kasoo tagtaan anaga hanoosoo waaridine meelihiina kula dagaalama" ayuu yidhi wasiir Qaasim

Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ahaa culimada mayalka adag ee reer Somaliland, oo ay xukuumada Somaliland isku fahmi waayeen fikiradiisa awgeed, ayaa 21 bishan March ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda Alshabaab, ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online