7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Somaliland oo si cadho leh uga jawaabtay qoraal kasoo baxay dowlada Jabuuti
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland DR. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa si cadho leh uga jawaabay qoraal uu Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ku sheegay in uu "Wasiirada maaliyada Soomaaliya iyo Itoobiya kala shaqaynayo wax ka qabashada gubashada suuqa Waaheen".

Qoraalka oo uu wasiir Dawaale ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayaa wasiir Kayd oo u muuqday in uu ka cadhooday soo dhexgalinta arrintan ee wasiir Bayle, ayaa wasiir Dawaale u sheegay in uu ixtiraamo qaranimada Somaliland.

"Somaliland waxay la shaqaynaysay saaxiibada caalamiga ah, mar hore ayayna qaar badan oo kamid ah kala hadashay in jawaab deg deg ah laga bixiyo masiibada suuqa Waaheen, waanu kaaga mahadcelinaynaa hiil kaaga, lakinse, waxaanu kugu boorinaynaa in aad xasuusato in Jamhuuriyada Somaliland tahay dal madaxbannaan, sida awgeed qaranimadayada waa in la ixtiraama" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Qoraalka wasiir Dawaale ayaa u dhignaa sidan "Guddoomiyaha Geeska Afrika Initiative Balozi Yatani, iyo sidoo kale wasiirada Dr Bayleh, Axmed Shide iyo aniga, waxaanu ka shaqeyneynaa sidii aanu jawaab deg deg ah uga bixin lahayn masiibada iyo taageero khaasa oo deg deg ah oo laga helo deeqbixiyayaasha".

Wasiir Dawaale, ayaa intaa kadib baanan ay kamid yihiin, Baanka Afrika, Baanka Adduunka iyo Midowga Yurub ugu baaqay in ay Somaliland garab istaagaan.

Dowlada Jabuuti ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirkeeda arrimaha gudaha Siciid Nuux usoo dirtay Somaliland, si ay usoo arkaan khaasaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Waaheen, iyagoo balan qaaday in ay garab istaagayaan Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online