7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo soo saaray Jadwalka Doorshada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw shaaciyay jadwalka qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Kuraasta Jadwalkooda ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa tirsigoodu kala yihiin HOP 106, HOP 024, HOP 140, waxayna doorashadooda ka dhaceysa magaalada Jowhar.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayay ku sheegeen in diiwaan gelinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartamaya  kuraasta ay bilaabaneyso Maalinta Jimcaha oo taariiqa ku beegan tahay sideeda bishaan April 2022, islamarkaana doorashada kuraastaani ay dhici doonto sagaalka bishaan oo ku beegan Sabtiga soo socda.

Hoos ka akhriso Jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online