7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Guddiga doorashada: Lama xamillo karo in jadwalka dhaarinta xidlhibaannadu dib uga dhaco waqtigiisa

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ugu baaqay xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka inay si degdeg ah ku yimaadaan xarunta diiwaan galinta xildhibaannada ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Avv. Mowliid Mataan ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaannada ku maqan dibadda iyo kuwa kale inay yimaadaan oo qaataan shahaadada, si looga baaqsado dib u dhacyo ku yimaada jadwalka dhaarinta.

Avv. Mowliid Mataan wuxuu sheegay culaysada dalka haysta awgeed in aan lasii xamili karin in jadwalka dhaarinta oo ku beegan 14ka bishaan, uu dib uga dhaco waqtigiisa.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in xildhibaannada masuuliyad iska saaraan inay yimaadaan Muqdisho oo waajibaadkooda gutaan. Wuxuu tilmaamay in hadda meel wanaagsan wax marayaan.

In ka badan 60 xidhibaan oo labada aqal katirsan ayaa shalay Muqdisho ka tagay, iyagoo gaaray magaalada Baydhabo, waxayna ka hor yimaadaan inay qaataan shahaadada xidlhibaannada.

Xildhibaannadan ayaa ka gadoodsan kadib markii liiska barlamaanka laga reebay saddex xidhibaan oo lagasoo doortay Koonfur Galbeed. Waxay la mowqif noqdeen maamulka Koonfur galbeed oo ka horyimid waxa ka socda Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online