7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Alshabaab oo beenisay digniin kasoo baxday hay'adda NISA
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Alshabaab ayaa beenisay digniin kasoo baxday hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, taasoo sheegtay in Alshabaab ay ka shaqeynayaan shirqool lagu dilayo madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Alshabaab ayaa sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Alshabaab, oo sida hay'adda NISA ay shaacisay loo abaabulay inuu qaarijiyo madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

"Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas'uuliyiinta  iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno'" ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta Alshabaab.

Maalin ka hor hay'adda NISA ayaa soo bandhigtay xog amni oo la xariirtay in Alshabab ay maleegayaan shirqoolo ka dhan ah madaxda ugu sarreysa dalka, waxayna soo bandhigeen magaca nin lagu magacaabo Maxamed Maahir oo fulinaya shirqoolkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online