7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay Gaari siday Qaraxyo kala duwan
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Militariga Soomaaliya qeybta 21-aad iney gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lagu qabtay duuleedka degmada Guriceel.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Xoogga ay gacanta ku dhigeen gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo laba ruux oo la socday, isagoona tilmaamay iney u suurta galisay in gaariga qaraxa siday  gacanta ku dhigaan xog ay ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Gaariga siday qaraxyada oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in qaraxyada ay ahayeen kuwa kala duwan oo isugu jiray miinooyin nooca dhulka lagu aaso, kuwa wadada dhinaceeda la dhigo iyo Jaakadaha ka sameysan waxyaabaha qarxa.

Gaariga qaraxyada siday ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay inuu ahaa noociisa nooca ay Soomaalida u taqaan Probox, kaasoo ilaa hada aanan la xaqiijin halka loo waday, walow labada ruux ee gaariga la socday lagu xiray Saldhiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa maalmahii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo culus ka waday deegaanada dhaca maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale barbar socday dhaqdhaqaaqyada Shabaab howlgalo ay ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ay dhankooda uga hortagayeen weerarada Al-shabaab kaga imaanayay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online