7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Somaliland: Maxkamad xukun ku riday dad lagu helay danbi ka ganacsi duur-joog
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun min hal sanno oo xadhig ah iyo qof kiiba 3 milyan oo shilin oo ganaax ah ku riday 5 nin oo 12 bishii hore ee March, lagu qabtay iyaga oo dhoofinaya 4 xabo oo harimacad ah.

Garsooraha maxkamada ayaa warbaahinta u akhriyay magacyada dadka la xukumay, da'adooda, iyo qodobada sharci ee ay ku gafeen, iyadoo ay halkaa ku sugnaayeen saraakiil ka socda wasaarada deegaanka, 2 harimacad ah oo ka nool 4 tii lagu qabtay iyo 5 ta nin ee xukunku ku dhacay.

"Maxkamadu waxay danbi ku heshay danbiilayaasha kala ah, Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo 36 jir ah, Bashiir Cabdillaahi Muuse oo 35 jir ah, Mukhtaar Haaruun Ibraahin oo 32 jir ah, Axmed Maxamuud Xasan oo 39 jir ah, Axmed Cumar Xaashi oo 35 jir ah, kuwaasi oo ku gafay, qodobada 17, 27, 28 ee Xeer Lr 69, 2015" ayuu yidhi garsooruhu.

Garsooraha ayaa ku dhawaaqay xukun iskugi jira xadhig iyo ganaax "Maxkamadu waxay ku xukuntay midkiiba hal sanno oo xadhig ciqaabeed ah, iyo ganaac maaliyadeed oo dhan 3 milyan oo Somaliland shilin ah, oo lagu shubayo qasnada dowlada, hadii danbiilayaashu ay bixin wayaana loogu badalayo xadhig ciqabeed u dhigma".

Maxkamada ayaa wasaarada deegaanka ku wareejiyay xanaanaynta laba harimacad oo kasii nool 4 harimacad oo dhawaan lagu qabtay danbiilayaasha ay maxkamadu xukuntay. Maxkamda ayaa digniin u dirtay cidkasta oo ku foogan ka ganacsiga duur-joogta.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]