7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Xisbiga Waddani oo ka hadlay dabkii burburiyay suuqa Waaheen
 

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani, ayaa soojeediyay in gacmaha laysku qabsado taakulaynta dadka ku hanti waayay suuqa Hargaysa, isaga oo ku baaqay in la sameeyo gudddi baadha sababta dabka dhalisay iyo guddi tirakoobta hantida burburtay

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo Hargaysa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in dhamaan reer Somaliland ka midaysan yihiin taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka suuqa Waaheen.

"Habeenkaa waxaynu ka midaysnayn ilaa hadana ka midaysanahay, mucaarad iyo muxaafad, ciidan iyo shacab sidii dadka caydhoobay ee hantidoodii halka ku gubatay loogu gurman lahaa, maantana, dib u dhiskooda, xoolayntooda iyo kasoo kabashadooda looga qayb qaadan laha" ayuu yidhi Cirro.

Musharaxa ayaa soo jeediyay in lala shaqeeyo isla markaana wixii kaalmo ah lagu soo hagaajiyo guddida ay xukuumadu magacowday, waxa kale oo uu soojeediyay in la as aaso guddi baadha sababta dhalisay dabka iyo guddi diwaan galisa hantida ku burburtay suuqa.

Musharaxa ayaa sidookale ku baaqay in howsha dib u dhiska suuqa Waaheen faraha looga qaado Dowlada Hoose ee Hargaysa, oo uu sheegay in sharcigu farayo oo ay masuuliyadeeda tahay.

Cirro ayaa sheegay in Suuqa Waaheen uu hore ula soo kulmay dhibaatooyin, kuwaasi oo ganacsatada suuqu kasoo kabteen, waxaanu sheegayn in sidaa si lamid ah loogasoo kaban doono dhibka hada dhacay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online