7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Wasiir Alcaddaala: Barlamaanka Soomaaliya ma noqon doono meel xoog lagusoo gali karo

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan  Yuusuf Cumar Alcaddaala ayaa si adag u difaacay go'aanka guddiga doorashada uu ku hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in aan cidna laga yeelayn in barlamaanka Soomaaaliya lagusoo galo awood ciiddan iyo cabsi galin, isagoo sheegay in aysan jirin cid ka sarreysa sharciga.

"Haddii inta la dhinac maro guddiga Feit, Seit iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo barlamaanka lagusoo galo qori, hadde annagu maxaan bannaanka u joognaa?, idinku maxaad bannaanka ujoogtaan?" ayuu yiri wasiir Alcaddaala oo ka hadlayay dood looga hadlayay khilaafka arrimaha doorashada.

Alcaddaala wuxuu sheegay in waxa kaliya ee uu aaminsan tahay ee saxda ah ay yihiin in kursigaas dib loogu celiyo doorasho, lana mariyo hannaanka saxda ah ee habraaca doorashada.

Wuxuu sheegay barlamaanka Soomaaliya haddii uu noqdo meel awood lagusoo galo inuusan ahaan karin barlamaan madax bannaan oo hadhow gaari kara go'aanno masiiriya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online