7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Wafti kormeerayaal caalami ah oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa


Khamiis, May, 27, 2021 (HOL) - Wafti ka kooban 30 xubnood oo kormeerayaal caalami ah, oo kormeeri doona doorashooyinka Somaliland, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Xubnaha waftiga ayaa waxa kamid ah madaxweynihii hore ee dalka Sierra leone Ernest Bai Koroma, oo dalka ka talinayay intii u dhaxaysay 2007-2018, iyo xubno safiiro ah oo ka socda wadamo Afrika ah.

Saraakiil ka tirsan guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargaysa, iyagoo markii danbena kulan kula qaatay xarunta guddida doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa waftiga warbixin kasiiyay shaqooyinka u diyaar garawga doorashada ee ay ku gudo jiraan.

“Waanu idin soo dhawaynaynaa, waanu idiinku mahadnaqaynaa joogitaan kiina, caawimo iyo taageero wayn ayay qarankan u tahay” ayuu yidhi Riyo-raac.

“Doorashadani waa doorashadi ugu horaysay ee isku sidkan ee Somaliland laga qabto, xarunkasta oo doorasho waxa la dhigi doona laba sanduuq oo midna wakiilada yahay midna deegaanka”.

“Si aanu u dhino waraaqaha cod bixinta, wakhtiga tirintooda iyo tirada dadka ka codaynaya xarunkasta, xarunkasta waxanu dhignay laba sanduuq oo mid kiiba ka koobanyahay 450 waraaqood oo isku noqonaya 900 oo waraaqdood” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waftigan ayaa noqonaya kooxdii ugu horaysay ee kormeerayaal ah ee Somaliland soo gaadha, iyadoo la rajaynayo in kormeerayaal kale oo ka socda waddamo kalena ay Somaliland soo gaadhi doonaan maalmaha doorashada ka hadhsan.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]