7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Koofur Galbeed oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda Soomaaliya
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Wasiirka wasaaradda Waxbarashada maamul goboleedka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Yuusuf Waliid ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inaysan kala tashan meesha aay imtixaanaadka Dugsiga Sare ku galayaan ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisa aay masuuliyad buuxda ka saaran tahay waxbarashada ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoona sheegay in ardayda deegaankaasi aay diideen iney imtixanaadka ku galaan magaalada Muqdisho.

"Ardayda waxay diideen iney Imtixaanaadka ku galaan Muqdisho anagana wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya waxaan ka codsanay in Imtixaanaadka ku qabtaan degmada  Afgooye, Xukuumaddana way naga diiday dalabkaasi"ayuu yiri wasiirka Waxbarashada maamulka Koofur Galbeed Maxamed Xasan Yuusuf.

Waalidiinta iyo ardayda ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale sheegay iney doonayaan iney Imtixaanaadka ku galaan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Ugu dambeyntii wasiir Maxamed Xasan Yuusuf ayaa tilmaamay hadii dowladda Soomaaliya aay aqbali weyso dalabka shacabka iyo wasaaradda maamulka Koofur Galbeed waxii cawaaqib xuma ah oo ka dhasha aay masuuliyadeeda qaadeyso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]